Faay Xabiib

Maxay Telesom kala kulantay Maamulka Siilaanyo

Maxay Telesom kala kulantay Maamulka Siilaanyo
Decrease Font Size Increase Font Size Text Size Print This Page

Taariikhdu waa qalin iyadana wax lagu qora ,wax kastoo aduunyada soo mara waxba ka hadha ,maraga qalinkuna waa bulshada ,maalintii talada ay ku guulaysatay xukumada hada   jirta ee kasoo jeeda xusbiga kulmiye, ayaa mudo bila ka dib waxaa wadanka ka curatay shirkad kale oo wadaniya oo la magac baxday shirkada isgaadhsiinta ee somtel, isla shirkadaas markay jirta mudo yar oo aan ku qiyaasi karo 3 bilood ayaa xukumadii aynu soo dooranay waxaay bilowday olole lagu midaynaayo isgaadhsiinta Somaliland kasoo markii hore dadka u wada cuntamay lakiin markii sidii wax loo waday la wada arkay ,hadana dadkii ku riday inay bal waxay ku danbayso yara sugan ,waayo shirkada telesom oo haysatay macaamisha ugu badan ee qaranka oo aan ku qiyaasi karayey 98%,iyo shirkadii shalay la asaasay ee mar la dhalatay xukuumadii aaynu soo dooranay inay ku midooban macaamishii ay telesom siyaasada ganacsi iyo dhaqaale olole iyo taayaba ku kastabatay in marqudha la yidha la qaybso shirkadan kale wadaniga ah eee somtel ,waxaay noqotay wax gafa bulshada inteedii kalena ka cadhaysiisay, waayo waxa uu dhigayaa distoorka wadanka u yaala ee ay u codaysay 99% bulshada ka mid ahi ,(in ganacsiga Somaliland yahay mid xora ,xaarana ay tahay in ganacsatada lugta laysu qabto).

Dahabshiil-voilations-Somaliland

Waxay isa soo gurtaba, soo galgalimaysataba, waxaa ma dhaafan noqotay in ganacsigu xor yahay ,

Xayeysiiskii shirkada waaweyn iyo ciyaari gobolada

1    Burco Stadium

Tartankii ciyara gobolada ee ka qabsoomay (Alamsay burco stadium) xaysiiskii garoonkaas waxaa qadatay laba shirkadood oo wadaniya oo kala ah,

1.     1.     Dahabshiil money transfer

2.     2.     Shirada isgaadhsiinta ee somtel

Waxaay shirkada (dahabshiil money transfer) qaadatay xaysiiska garoonka 50%, halka shirkada kale ee (isgaadhsiinta somtel) ay qaadatay 50%, halka shirkada kale goobtaas joogtay oo mar walba danaynaysay inay wax la qabysato walaalaheeda kale ee ahayd shirkada isgaadhsiinta ee telesom, oo laakiin halkaas kala kulantay waxaan qaban , dulqaad iyo samir ay wadaniyad u weheliso ayey shirkadaas arintaas ku agaasimtay, angioo ah qoraaga qormadan isla wakhtiga waxaan ku sugnaa magaalada burco si aan cilmi baadhis qoto dheer ugu kuur galo ,waxaa ciyaarahaasi kaga duwanan doonan kuwii hore iyo inta bulshadu ka bislaatay qabyaaladii, nasiib daro laakiin burkaba bahal kama filin inay taaso kale wadanka ka dhici karto wax u yara eeg mooyane, waxaan habeen habeenada ka mida kula kulmay madax telesom ee waday hawsha xaysiiiska ka qayb galka tartanka ciyaara Hotel Barwaaqo ,isagoo u qalqaalo galay inay hudheelka ku macsuuman ciyaartoyga gobolada qaar ka mida markay galabnimada ciyaartu dhamaato fiidnimadeeda , siday xaqiiqdu tahay waxaan u soo tagnaa iyadoo xukumadu ku wargelisay inaanay telesom cid ku macsuumi karin hotelada burco mid ka mida,  la yaab iyo amakaag ka dib, waxaa dhacday gooran habeena ahayd maalina ahayn inay telesom ka soo shiraaqatay casimadii labad ee somaliland Burco, anigoo ujeedadaydu ahayd sidaan hore ku xusay cilmi baadhis aan u kuur galyey is badalada dhaqamada bulshada ee ku wajaahan wakhtiyada ciyaara oo kale, bulshaduba ma ba?anayn laakiin wax kaloo cusuba soo kordhay, taariikhduna waa qalin.

Xayeysiiskii shirkada waaweyn iyo ciyaari gobolada

2   Hargaysa Stadium (2/06/2013)

Sidii hore dhacday tartankii ciyara gobolada Somaliland wali shirkadii telesom waxaay ku jirta xaalad la mida tii hore usoo martay oo kale,

Waxaa dhacday in isgaadhsiintii qaranku lahaa markii hore si aad moodo (fair) cadaalad inay u dhacaysay laakiin waxaa loo qaybiyey sidan .dhamaan xayaysiisyadii gidaarada ee hargaysa stadium waxaa 50 & 50% u kala qaybsaday labada shirkadood ee laysku yidhaa (dahabshiil group) markaay taas caynkaas laga dhigay ayaa hadana waxa hadhsani noqotay in dib loo eego isgaadhsiintii qaranka taas lafteeda oo aad moodo in lagu soo kala maamulay guriga ay leedahay shirkada shirkadan kale uu ka dhaxeeyo tartanka ganacasi ee loo yaqaan (somtel) waxaana mudo la isticmaalay shaxdan inkasto markii danbe malin ka dib lagala noqotay in telesom inay sii wado soo gudbinteeda barnaamijka ciyaara iyadoo isticmaalaysa khadka radio hargaysa ,shaxdii hore ee isgaadhsiinta ay ku qaybsadeen labada shirkadood waa sidan,

Radio Hargaysa = Shirkada Isgaadhsiinta Telesom

Somaliland TV, shirkada isgaadhsiinta ee somtel

Maalin markii ay labada shirkadoodba ay mid waliba soo tabisay tartankii ciyaara ayaa telesom maalintii danbe loo sheegay in lagala noqday in mardanbe tabinta ciyaara kusoo gudbin doonin radio hargaysa ,ka bacdi shaxdii waxaay isu badashay,

Radio hargaysa = shirkada isgaadhsiinta (somtel)

Somaliland national TV, isla shirkadaas (somtel)

Ka bacdi shirkadii telesom waxaay ku soo ururisay arinteedii inay iskala shaqayso lana macaamisho TV yada gaarka loo leeyahay ,maadama waxii dadka ka dhaxeeyey loo isticmaalay si qaldan, taas lafteeda lagama hadhine TV yadii kale ee madaxbanaana ee gaarka  loo lahaa ee ay shirkadaas heshiiska la gashay waxaa kasoo gadhay dhibaato iyaga laftoodii inay soo galan garoonka sacada qaar amaba lagu balamiyo askarta oo layidhaa arintaas yaanay dhicin

Talo bixin

Waxaan ku talinayaa in arimaha hoos ku xusan oo kale si qaran looga wada qayb qaato ,

1.     1.     In midnimda umada reer Somaliland lawada ilaashado

2.     2.     In hantida qaranka iyo madaxda qarankuba ay noqdan wax umada u dhaxeeya ,ee anay noqon midi laysu soo qaato marka mid aad isku reertihiin kursiga hantiyo,

3.     3.     In distoorka qaranka aan loo isticmaalin qodobka aad moodo in u dan kuu yahay ,lagana hortagin oo kaliy marka aad is leedahay waxa uu ka hor imanayaaa danaha gaar ah, sida in loo noqdo qodobka odhanayaa ,(ganacsigu waa xor )

4.     4.     In madaxda qaranku waxii ay u aragto in ay kor u qaadayaan ama horumarinayaan qabyaalada ka hortagan iyagoo siinayana muwadiin kasta xaqiisa intii ay karan,

5.     5.     In beel wadaagta lagu badalo danwadaag

6.     6.     In xukumadu doorkeeda masuuliyadeed ee heer qaran ay ilaaliso

7.     7.     In shacabku ay ka bislaadan qabyaalada waxii qaldana la wada saxo

8.     8.     In diinta looso noqdo qof waliba xiisabiyo maamlmaha yar ee uu nool yahay waxa uu qabtay,

9.     9.     In xukuumadu si cadaaladi ku jirto ay isu barbar istaagto shirkada ganacsiga, ilaalisana inay u sinaadan dhamaan hantida qaranka.

10.                        10.  In shirkada waaweyn ee shaqo abuurista ugu badan sameeya ,il gaara lagu eego cashuurtana laga dhimo si ay fursad ugu helaan inay shaqale badan qaadan karaan.

Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle )

gadhle142@gmail.com

 

One Response to Maxay Telesom kala kulantay Maamulka Siilaanyo

  1. faaiso June 18, 2013 at 7:14 am

    Salaan kadib aad ayaan u sugaayey in aan arko maqaalkaan oo kale ,

    Waxa ku sugnaa Hargeysa sanad iyo bar ka hor , ehelka dhamaan waxa ay heystaan adeega telesom , hadana waxa markasta la igu wergeliyaa in aan isticmaalo adeega somtel , aniga somtel waxa u qaadan waayey in shirkadaas ay dhowr sano ka hor adeega ay ku laheyd wadanka dhan uu hal mar istaagay kana baxday SAAXADDA ISGAARSIINEED , marka weli somtel waa isla ayadii wax isbadalay kaliya in qalab cusub keensatay , marka ma la aamini karo wax kasta oo ay sameysay waa in ay marka hore saxdaa kana bixisaa cudurdaar customerkii ayagoo muddo isticmaalaayey qadka laga jaray
    wabilahi towfiiq

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>