Faay Xabiib

Daawo Wariye Mohamed Cadow oo marada ka dhacday

Daawo Wariye Mohamed Cadow oo marada ka dhacday
Decrease Font Size Increase Font Size Text Size Print This Page

Wariye Mohamed Cadow oo astaan u noqday laaluush ku shaqeenta iyo qabyaalada ayaa markii ugu horeeysay marada ka dhacday kadib markii uu si ka baxsan anshaxa Saxaafadda iyo dhexdhexaadnimada u baahiyay barnaamij uu telefishinka AlJazeera uga dhigay mid qabiil gaara leeyahay.Halkaan ka daawo

Wariye Mohamed Cadow markii lala xiriiray wuxuu ku jawaabay ” Hawiye iyo Mareexaan Kenya iyo Ethiopia uma qexi karaan oo labadaba Ogaadeenbaa joogee,xageey u qaxi doonaan hadeey Maamul Ogaadeen diidaan”

Hadalkiisa wuxuu ku deray ” Mareexaan hore ayey Kaakuma iyo Ifo u galeen maanta Hawiye iyo Cawra male ayaa u jeelan laakiin nasiib daro kama helayaan Magangalyo maxaa yeelay waa dhul Ogaadeen”

Mohamed-Cadow

Wakiilka cusub ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somalia oo telefishinka Universal u waramayay ayaa dacaayadda Mohamed Cadow ku taageeray hogaamiyaha Raaskambooni wuxuu ka yiri ” Maamul u sameeynta Goboladda Somalia waa in looga dambeeyo Dowladda Federalka Somalia”

Warbixinta uu Mohamed Cadow ka diyaariyay Jubaland ee Ahmed Madoobe uu ku buun buuniyay ayaa la rumeeysan yahay inay ka dhigan tahay warbixin uu shaqadiisa Aljazeera ku waayi doona sida ku dhacday Wariyeyaal ka horeeyay.

Associated Somali Journalists ASOJ ayaa hore Mohamed Cadow ugu eedeysay inuu lacag fara badan ku qaatay dhibaateeynta Wariyeyaal Soomaaliyeed taas oo cadeeynteeda lagu baahin doono dhawaan Website-ka Sunatimes.com iyo ASOJ.ORG.

Mohamed Cadow waxay marada uga dhacday inuu  ugu dambeyn noqday nin ku hadlay af qabiil hasse yeeshee wuxuu iloobay in dunidu maanta aqal qura wada degan tahay,lagana guuleeysan doono Al-Shabaab iyo Kooxda Raaskambooni ee adeerkiis Qalbi Madoobe uu hogaamiyo.

5 Responses to Daawo Wariye Mohamed Cadow oo marada ka dhacday

  1. ahmed shire June 7, 2013 at 5:29 pm

    waan ka xumay sida aad wariyaha kaliya ee caalimiga ah ee kenyanka ah.

    qoraha aflagaadadan ayaa ah qabiileyste waliba qatar ah

    cadow waa kenyan somalia iyo midowga aad sheegtay waxba oogama xirna dalkiisa ayey qaxooti ku yihiin

    Reply
  2. Ahmed June 7, 2013 at 9:17 pm

    Aad baan uga xunahay in saxafi heer caalamiya in uu ku dhaqmo qabyaalad nocan ah uuna ku buunbuuninayo qalbi madoobe iyo ururkisa ku shaqaynaya nidaamka qabiilka iyo qurunka ku dhisan

    Reply
  3. Wadaani June 7, 2013 at 10:54 pm

    Waa in aad soo ogta taas Daahir calosow mise iska hadal Ayaa wadata hadalkii Reer Qumis lagugu dhahay Ayaa wali ku haysa mise English ayaadan oqoon waa ku ayaatiin xuumo hadad wariyaha xaag xaagto warka adig oo fahmeen Qimeeynta hadalka ama Qabiil ku Qaday. Kaday jornalka isbarada cakaara

    Reply
  4. Abshir Farow June 8, 2013 at 4:08 am

    Alasow adiga markaad qabiilka ka hadlaysid isma ogid miyaa? Afkaaga iyo dhegtaada isma maqlaan miyaa?

    Mohamed Addow si caadi ah ayuu wax u soo sheegay. Mise waxaad rabtaa Barre Hiiraale oo hal usbuuc Kismaayo joogey oo gurigiisa koox yar isugu yeeray oo yiri “anna madaxwayne ayaan ahay”. Dheesha bes dhahaya marka. Barrena xoogaagii Xamar laga soo siiyey u xalaaloobe ee iska joog dhahaya. Adiga Calasow ah Faras dhintay ayaad garaacaydaa si uu orodka u badiyo.

    Arrimuhu maaha sidii 1991dii ee hallaga digtoonaado. Kuwa dagaalka hurinaya ayaa aakhirka ku dhiman doona. Nabad iyo wada hadal wax ka fiicani ma jiraan.

    Reply
  5. Maqaabul Guy June 8, 2013 at 3:44 pm

    “Maandhow Hawiye ma Dirsan Maanta ka Hortoowe, Bal in ay Halyey leeyihiin la kala hubsan doonaaye” by Sayid Maxamed Cabdille Xassan.
    Annaga ayaa idinka seexanay, ee hadda ayaanu idiin xukumi sidii aanu idiin xukumi jirnay. Waxa dib la idiinku celin dameerkiinii.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>